Jubbaland oo u diyaar garoobaysa roobab mahiigaan ah: Feejignaan, isku-tashi iyo gurmad degdeg ah

By: Yusuf Garabay
Sunday September 6, 2026

Aragti: Masiibooyinka dabiiciga ah lama sugo inta ay dhacaan- waa loo diyaar garoobaa ka hor inta aysan iman

Roobab mahiigaan ah ayaa la filayaa inay bilaha soo socda saameeyaan qaybo ka mid ah Jubbaland, gaar ahaan gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo. Wararka iyo saadaasha cimiladu waxay muujinayaan in xilliga roobabka ee soo socda uu keeni karo roobab xooggan iyo fatahaado, iyadoo laga digayo saameynta ay xaaladaha cimilada ee la xiriirta EL Nino ku yeelan karaan qaybo ka mid ah Soomaaliya.

Arrintani ma aha diginin la iska indho tiri karo. Waa fariin u baahan in si dhab ah loo qaato, gaar ahaan marka la eego wixii hore uga dhacay gobolka Gedo iyo deegaannada kale ee Jubbaland.

Roobabkii mahiigaanka ahaa ee hore waxay sababeen khasaare ballaaran, waxayna saameeyeen waddooyin, isku socodka bulshada iyo buundooyin muhiim u ahaa isku xirka deegaannada. Buundadii Baardheere ayaa ka mid ahayd meelihii ay waxyeelladu si weyn u gaartay, taas oo muujisay sida ay fatahaadaha iyo qulqulka biyuhu u noqon karaan khatar toos ah oo ku wajahan nolosha dadka, gaadiidka iyo ganacsiga.

Hdada waxaa soo baxaya walaac kale oo ku saabsan buundooyinka iyo marinnada muhiimka ah ee Araare iyo Kamsuuma, kuwaas oo haddii ay waxyeello ka soo gaarto roobabka iyo fatahaaduhu ay sii adkeyn karaan isku socodka dadka iyo gaarsiinta gurmadka.
Casharka laga bartay musiibadii hore

Waxa ugu weyn ee laga baran karo musiibadii hore waa in masiibo dabiici ah aysan ku ekaan biyaha circa ka soo da’a. Waxay si degdeg ah ugu beddeli kartaa dhibaato bani’aadamnimo, go’aan waddooyin, xirmaan marinno, ama ay go’doomaan tuulooyin iyo magaalooyin.

Sidaas darted, su’aashu ma aha oo keliya: “Roob intee le’eg ayaa da’aya?”

Su’aasha muhiimka ahi waa: “Maxaan maanta qaban kaarnaa si aan berri uga hortagno khasaaraha?”

Dowladda Federaalka Soomaaliya, hay’adaha masiibooyinka iyo maamulka Jubbaland waxaa looga baahan yahay inay ka gudbaan habka ah in la sugo musiibada ka dibna gurmad loo raadiyo. Waxaa loo baahan yahay qorshe ka-hortag, diyaar-garow iyo gurmad oo hore loo sii diyaariyey.

Haddii tuulooyin ama degmooyin go’doomi karaan, waa in la sii qorsheeyo sida cunto, biyo, dawo iyo adeegyada degdegga ah loo gaarsiin doono.

Digniinta Oktoobar waa in si dhab ah loo qaataa

Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo qurba-joogta Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan waxaan ugu baaqeynaa inay si dhow ula socdaan saadaasha iyo digniinaha rasmiga ah ee roobabka, gaar ahaan xilliga Oktoobar.

Feejignaantu macnaheedu ma aha cabsi. Feejignaantu waa diyaar-garow.

Qoys walba waa inuu ka fikiraa waxa uu samaynayo haddii roobab culus ay keenaan fatahaad, haddii waddooyinku xirmaan ama haddii adeegyada muhiimka ahi hakadaan. Bulsho walbana waa inay ogaataa dadka nugul ee u baahan kara in si gaar ah loo caawiyo- carruurta, waayeelka, dadka qaba baahiyaha gaarka ah iyo qoysaska aan haysan awood ay iskood uga baxaan xaalad degdeg ah.

Buundooyinka iyo kaabayaasha: meelaha ugu horreeya ee la ilaaliyo

Jubbaland waxay u baahan tahay qiimeyn degdeg ah oo lagu sameeyo dhammaan buundooyinka, waddooyinka, marinnada webiyada iyo goobaha hoose ee ay fatahaaduhu khatarta ku yihiin.

Buundooyinka Araare (ee Jamaame) iyo Kamsuuma waa in si gaar ah loo qiimeeyaa, iyadoo la ogaanayo heerka ay buundooyinku u adkeysan karaan qulqulka biyaha iyo waxa la samayn karo haddii xaaladdu ka sii darto.

Waxaa ka muhiimsan in la helo qorshe cad oo oranaya:

•    Haddii buundadu khatar gasho, maxaa la sameynayaa?
•    Halkee ayuu noqonayaa marin kale?
•    Yaa mas’uul ka noqonaya digniinta dadka?
•    Sidee loo gaarsiinayaa gurmadka dadka go’dooma?
•    Halkee lagu diyaarinayaa cunto, biyo, dawo iyo agabka gurmadka?
•    Sidee la isugu xiriirinayaa dowladda, maamulka Jubbaland, bulshada deegaanka iyo qurbo-joogta?

Qorshe noocaas ah wuxuu badbaadin karaa naf ka badan gurmad la bilaabo kadib marka musiibadu dhacdo.

“Dal waliba dadkiisa ayaa dhisa” – isku-tashigu waa tiirka ugu weyn
Marka ay musiibo dhacdo, waxaa muhiim ah in bulshada Soomaaliyeed aysan sugin cid dibadda ka timaadda oo keliya.

Dal waliba dadkiisa ayaa dhisa.

Haddii loo baahdo gurmad, waa in bulshada Soomaaliyeed gudaha iyo dibaddaba ay yeeshaan awood ay si wadajir ah uga jawaabaan. Ganacsatada, aqoonyahannada, culimada, ururada bulshada, maamulka deegaanka iyo shacabka caadiga ah dhammaantood waxay leeyihiin door ay ka qaadan karaan badbaadinta bulshada.

Qurbo-joogta Soomaaliyeed gaar ahaan waa in aysan sugin maalinta musiibadu dhacdo. Waa inay hadda ka sii fikiraan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen gurmadka, talada, khibradda iyo taageerada dhaqaale haddii loo baahdo.

Qof waliba wuxuu leeyahay takhasus ama awood uu ku biirin karo. Qaar waxay ku biirin karaan dhaqaale, qaar aqoon iyo farsamo, qaar xiriir iyo abaabul, halka qaar kalena ay ka shaqayn karaan gaarsiinta macluumaadka saxda ah.

Hay’adaha caalamiga ah: garab istaag, laakiin qorshe cad

Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa gargaarka waxaa laga filayaa inay garab istaagaan bulshada haddii ay timaaddo xaalad ka baxsan awoodda gudaha.

Laakiin taageerada caalamiga ah waa inay ku dhisnaataa baahi dhab ah, qorshe cad iyo isku – duwid hufan. Bulshada Jubbaland waa inaysan ku tiirsanaan keliya rajada ah in marka musiibadu dhacdo ay hay’aduhu soo gaari doonaan.

Dowladda federaalka iyo hay’adaha ay khusayso waxaa sidoo kale laga filayaa inay muujiyaan hoggaan, isku-duwid iyo diyaar-garow, si aysan mar kale u dhicin xaalad dadka ay musiibadu ku habsato iyadoo aan jirin qorshe wax-ku -ool ah oo gurmad.

Waa waqtigii digniinta loo beddeli lahaa ficil

Musiibada dabiiciga ah lama joojin karo, laakiin khasaaraha ay keento waa la yareyn karaa.

Roobka lama celin karo, laakiin waxaa la sii xoojin karaa buundooyinka. Fatahaadda lama amri karo inay joogsato, laakiin dadka waxaa laga sii wargelin karaa meelaha khatarta ah. Waddo burburi karta lama celin karo, laakiin marin kale ayaa la sii qorsheyn karaa.

Sidaas darted, fariinteennu waa mid cad:

Ha sugin musiibada. U diyaar garow hadda.

Dadweynaha Jubbaland waa inay feejignaadaan. Bulshada Soomaaliyeed ee dalka iyo dibaddana waa inay diyaar u ahaadaan isku-gurmad haddii xaalad degdeg ahi timaaddo. Qurbo-joogtu waa inay diyaariyaan talo, khibrad iyo taakuleyn. Dowladda iyo hay’adaha masiibooyinkana waxaa looga baahan yahay inay muujiyaan qorshe, hoggaan iyo waxqabad.

Waxaa la hubaa in roobku yahay nimco, laakiin marka uu xadkiisa dhaafo wuxuu isu beddeli karaa masiibo. Sidaas darted, feejignaan, diyaar-garow iyo isku tiirsanaan bulsho waa difaaca ugu horreeya ee aan maanta haysanno.

Jubbaland waxay u baahan tahay in aan laga hadlin gurmadka oo keliya marka buundo dhacdo ama fatahdo timaado. Waxay u baahan tahay in maanta la isugu yimaado, la qiimeeyo khatarta, la diyaariyo qorshe, lana ogaado cidda qaadaysa mas’uuliyadda marka xaaladdu adkaato.

Masiibooyinka waa la iska kaashan karaa, khasaarahana waa la yareyn karaa – haddii aan diyaar garowno ka hor inta aysan biyuhu soo gaarin albaabkeenna.

Leave a Reply

Your email address will not be published.