SomaliSwiss waa YouTube channel iyo digital media production platform Soomaaliyeed oo la aasaasay sanadkii 2010. Waxaan si gaar ah diiradda u saarnaa duubista, tafatirka iyo baahinta heesaha Soomaaliyeed iyo content-ka la xiriira fanka iyo madadaalada. Muddo sanado ah, SomaliSwiss waxay la shaqaynaysay dhalinyaro hal-abuur leh oo ku takhasusay camera operation, video production, cinematography iyo video editing. Kooxdayadu waxay isku darsataa aqoon farsamo, hal-abuur iyo faham wanaagsan oo ku saabsan muuqaalka muusigga Soomaaliyeed. Waxaan aaminsanahay in hees wanaagsan ay u baahan tahay muuqaal wanaagsan. Sidaas darteed, waxaan diiradda saarnaa production nadiif ah, camera work xirfad leh iyo editing casri ah.
OUR IDENTITY
SomaliSwiss waa madal isku xirta fannaaniinta Soomaaliyeed, dhalinyarada hal-abuurka leh iyo daawadayaasha Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda dalka.
MISSION
Hadafkeennu waa inaan taageerno oo horumarino fanka Soomaaliyeed anagoo siinayna fannaaniinta iyo creators-ka adeegyo video production iyo digital media oo tayo sare leh.
VISION
In SomaliSwiss noqoto mid ka mid ah magacyada lagu kalsoon yahay ee Somali Music Video Production iyo Digital Media, iyadoo content-ka Soomaaliyeed gaarsiisa audience caalami ah.

Leave a Reply