Waxaa la sheegay in dowladda Mareykanku ay bixisay 20 fiiso oo loogu talagalay xubno Soomaaliyeed oo ka qaybgalaya shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee bishan Sebteembar 2026. Sida xogtu tilmaamayso, sagaal ka mid ha fiisayaasha waxaa qaatay Madaxweynaha Somaliland, Cabdirahman Maxamed Cabdullaahi (Cirro), halka 11-ka kale ay heleen dhinaca dowladda federaalka Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale la sheegay in Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud shan ka mid ah 11-kaas fiiso u qoondeeyey siyaasiyiin reer Somaliland ah oo Muqadisho jooga, oo uu ugu horreeyo Ra’iisulwasaare Saalax Jaamac iyo xubno kale oo reer Somaliland ah. Hase yeeshee, weli ma muuqato xog cad oo ku saabsan in matalaad laga siiyey dadka kasoo jeeda Waqooyi Bari.
Haddii xogtan ay sax tahay, su’aashu waxay noqonaysaa: maxaa keenay in dadka reer Somaliland ee Muqadisho jooga la siiyo fursad ay shirka uga qaybqaataan, halka Waqooyi Bari aan weli laga hayn matalaad muuqata?
Xasan Sheekh iyo Cirro
Waxaa muuqata in Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo inuu Madaxweyne Cirro kula yeesho New York wada-hadal siyaasadeed oo ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo Somaliland. Haddii kulankaasi dhaco, wuxuu noqon karaa fursad lagu raadiyo heshiis ama is-afgarad cusub.
Laakiin heshiis waara ma noqon karo mid ku kooban Xasan Sheekh iyo Cirro oo keliya. Soomaaliya waxaa ka jira dhinacyo kale oo ay tahay in la tixgeliyo, gaar ahaan dadka iyo maamulada ay arrimahani si toos ah u saameeyaan.
Waqooyi Bari, maxaa u tallo ah?
Waqooyi Bari waa inay ka gudubtaa siyaasadda cabashada iyo sugitaanka in Muqadisho qof u soo xusho. Su’aashu ma aha oo keliya: “Maxaa fiiso naloo siin waayey? Su’aasha ka weyn waa: “Maxaan rabnaa, yaase matalaya, sideese codkeenna loo gaarsiinayaa caalamka?
Waqooyi Bari waxay u baahan tahay mowqif siyaasadeed oo mideysan, ajande cad iyo xiriirro diblomaasiyadeed oo joogta ah. Haddii aysan iyadu dejisan ajandaheeda, waxaa dhici karta in siyaasadaha Muqdisho iyo Hargeysa ay go’aamiyaan mustaqbalka arrimaha si toos ah u taabanaya.
Gunaanad
Haddii 20-ka fiiso loo qaybiyey sida la sheegay, arrintu ma aha oo keliya safar; waa su’aal ku saabsan matalaadda siyaasadeed iyo cidda codkeeda laga maqlayo caalamka.
Xasan Sheekh haddii uu doonayo heshiis dhab ah oo lala gaaro Cirro, waa inuu fahmaa in xalka Soomaaliya uusan ku koobnayn Muqdisho iyo Hargeysa. Waqooyi Bari-na waa inay fahantaa in aan lagu casuumin siyaasadda weyn oo keliya marka dano kale loo baahdo.
New York waa goob shir, laakiin siyaasadda Waqooyi Bari waa inay ka bilaabataa ka hor inta aan la gaarin New York.

Leave a Reply